Baarlamaanka Soomaaliya Oo Heshiis La Saxiixday Baarlamaanka Tunisia

0
236

Muqdisho ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Max’ed Cumar Dalxa oo maanta ka hor hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay shirkii Baarlamaanka Carabta ee  ka dhacay dalka Tunisia oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay u matalayeen.

dalxa1

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in shirka kadib in ay heshiis la galeen Baarlamaanka Tunisia kaas oo ku saabsan in la mataaneeyo Baarlamaanada Tunisia iyo Soomaaliya islamarkaana la isku afgartay in Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya laga caawin doono dhinaca sharci dajinta.

Sidoo kale Max’ed Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in Masuuliyiinta dowladda Tunisia ay kala hadleen in dib loo furo Safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd waddankaasi iyo sidoo kale in iyana Dowladda Tunisia dib uga hirgeliso Magaalada Muqdisho safaaradeeda , waxaana uu tallaabadaas uu ku tilmaamay guul taariikhi ah.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeexay in intii uu socday shirka Baarlamaanka Carabta la iskula soo qaaday in Soomaaliya loo fidiyo Caawinaad lagu horumarinayo  Mahsaariicdeeda kala duwan iyo weliba in dowladda Soomaaliya aan lagu fara gelin arrimaheeda gaarka ah.

Baarlamaanka Carabta ayaa waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa in ay sidoo kale ka hadleen in laga hortago sunta lagu shubo biyaha Soomaaliye iyo xaalufinta lagu hayo kheyraadka badda Soomaaliyeed oo ay ku baaqeen in laga hortago.

Shirka Baarlamaanka Carabta ayaa  4 october illaa 8 October 2015 waxa uu ka socday Magaalada Tunis ee Caasimadda Waddankaasi Tunisa oo ku taalla waqooyiga isla dalkaasi iyadoona Soomaaliya ay shirkaas u matalayeen Xildhibaanada kala ah

  • Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle ,
  •  Xildhibaan Naciimo

3:iyo  Max’ed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna shirkaas uu ku soo idlaaday jawi wanaagsan sida ay ka warbixiyeen Xildhibaanadaasi uga qeyb galay Baarlamaanka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here