Axmed Madoobe: Soomaalidu ha dhigto siyaasadda, waa inaan mideyno cududeena, caqligeena & miisaankeena”

0
195

Kismaayo(INO)- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa si kulul kaga hadlay qaraxyadii mataananaha ahaa ee Axadii shalay lagu weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Jubbaland oo cambaareeyay weerarkaasi, ayaa ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, waxaana uu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay kuwo aan u kala aabo yeelleen dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Saxaafadda, ayaa ficilkaasi ku sheegay mid aad looga xumaado, iyadoo uu Soomaaliduna ugu yeeray inay isaga tagto siyaasadda ay mashquulka ku tahay.

“Ficlan waa arrin aad looga xumaado, waana arrin aan leeyahay Soomaalidu ha dhigto siyaasadda ay mashquulka ku tahay. Ha iska dhigeen waxa badan ay ka hadlayaan ee waqtiyada munaasabka aan ahayn ama waqtiga dheer ka luminaya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray mana-xayaasha, haddii ay si isu midda u xasuuqayaan bulshada Soomaaliyeed.

“Hala qaado tallaabo cad oo lagaga hortagayo mana-xayaashaas, aan aqoonin hooyo, ilmo, dhakhtar, culimo, cidaanaa birimageeda ah, aan ka xishoonayn qofna, ee isu tirinaaya oo oranaaya hala isu tiriyo imisa qof baa dhimatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Axmed Maxamed Islaam, ayaa yiri “Aad baan uga tacsiyadeynayaa eheladii, qaraabadii, Madaxweynaha, Maamulka Puntland iyo shacabka Soomaaliyeedba khasaaraha maanta meeshaas ka dhacay. Waxaana leeyahay Insha’Allah waa loo aari doonnaa.”

Axmed Madoobe, ayaa carab dhabay in Soomaalidu looga baahan yahay in ay u istaagto, sidii looga takhalusi lahaa Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada dalka.

“Mana-xayaashaan waqtigoodii waxaan fillayaa inuu gaba-gaboobay, laakiin waxay u baahan tahay inaan mideyno cududeena, caqligeena iyo miisaankeena, oo wax badan waxa lagu mashquulka yahay in la’iska daayo. Siyaasaddu waqtigiina way naga qaaday, natiijo badana kama soo socoto.” Ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka khasaaraha badan sababay.