Axmed Madoobe Hogaamiyaha Raaskambooni ahna Gudoomiyaha KMG ah ee maamulka Kismaayo ayaa kahadlay kulankii ka dhacay magaalada Kismaayo ee ay la yeesheen Afar kamid ah wasiirada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu kahadlay waxyaabaha rasmiga ah ee kasoo baxay kulankii ay maanta yeesheen iyo qorshaha la dajiyay maadaama la isku khilaafsanaa arimaha maamul usamaynta iyo qodobo kale oo ka taagan Jubbooyinka.
Axmed Madoobe ayaa dhanka kale ka hadlay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo xili ay kasoo dagaysay garoonka magaalada.
Dhageyso Sheekh Axmed Madoobe oo ka hadlaayo imaanshaha wafdiga