Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in iyaga iyo Al-Shabaab uu dagaal xaq ah ka dhaxeeyo, isagoo ku hanjabay inay sii wadi doonaan ciribtirkooda.
Shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay kadib qaraxii ismiidaaminta ee uu shalay ka bad baaday Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Ereg ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab aanay dooneyn nabad ka dhalata Soomaaliya.
“Al-Shabaab waa niyad jabeen, waana jabeen, nabad ka dhalata Soomaaliya ma doonayaan, Hey’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal xaq ah, dhankoodana uu xaq daro ka yahay, anagana xaq ka yahay”ayuu yiri Mudane Fiqi.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in weerarkii is miidaaminta ay fuliyeen labo ruux oo mid ka mid uu shirka saarnaa, midka kalena uu wadayay gaariga, isagoo tilmaamay in qorshahooda uu ka fashilmay.
Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa ugu baaqay shacabka in Ciidamada ay ku gacan siiyaan ammaanka, isla markaana aysan guryahooda ka kireyn dadka abaabulaya qaraxyada sida uu yiri.
Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii is miidaaminta ayaa ku tilmaamtay mid ay si aad ah uga soo shaqeeyaan, isla markaana uu weerarkaas fuliyay mid ka mid ah guutooyinka u qaabilsan is qarxinta ee loogu yeero Istish-haadiyiinta.
Weerarkii ismiidaaminta ee shalay ayaa ahaa kii ugu xooganaa in muddo ah ka dhaca caasimada Muqdisho, iyadoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10-ruux, halka labaatan kalena ay ku dhaawacmeen.
Idale News Muqdisho