Austaralia oo sharciga dalkeeda u diiday Soomaali Araga la’ oo muddo 11-sano ku noolaa

0
253

Sydney(INO)— Dowladda Austaralia ayaa sharcigii degenaanshaha u diiday Dr. Siyaad Hilow Cabdi oo muddo 11-sano ku noolaa dalkaas.

Dr. Siyaad oo araga la’ ayaa sheegay inuu ka xun yahay in loo diido sharciga dalka, isagoo xusay inuu bulshada dalkaas ku nool oo howl badan u soo qabtay.

“Dadka indhaha la’ wadankan looma ogola sharciga, mana fiirinayaan howsha uu bulshada u qabanayo, waxay hada iga codsadeen inaan racfaan qaato, ama dalka aan isaga baxo, hada Racfaan ayaa qaatay”ayuu yiri Dr. Siyaad oo u waramayay Idaacada VOA.

Sidoo kale Dr. Siyaad ayaa waxaa uu bare ka yahay jaamacado ku yaala dalkaas, waxaana uu u doodaa xuquuqda dadka baahiyaha gaarka qaba,s ida Naafada.

Sharciga u yaalla dalka Australia ayaa ah in qof culeys ku ah bulshada sida dadka naafada ah in aan loo ogoleyn inuu sii degenaado dalka, isla markaana aan sharciga wadankaas loo ogoleyn inuu qaato.

Idale News Online, Sydney

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here