Atooreyaasha da’da yar oo u duulay Hollywood

0
247

Haaruun iyo Cali, waa atooreyaal Soomaaliyeed oo da’yar, waxayna ku xanibnaayeen dalka S. Africa, laakiin markani waxay u duuleen magaalada Los Angales, xarunta Hollywood ee dalka Maraykanka dadaal dheer kadib.

Haaruun oo 14 jir iyo Cali oo 12 jir ah waa walaalo waxayna dhigeen Filim gaaban oo lagu wado inuu ku guulaysto abaalmarinta filimada HollyWood ee loo yaqaano Oscar, taasi oo dhici doonta maalinta Axadda ina soo aadan.

Maanta ayay duuleen Haaruun, Cali iyo Aabahood Mahdi Xasan Maxamed kadib markii loo dhameeyay sharcigii qoxootinimada ee ay ku joogeen dalka S. Africa oo waqtiga loo dheereeyay, Baasabooradii ay ku safri lahaayeen iyo Visada ay ku gali lahaayeen Maraykanka.

Rafiq oo ah soosaaraha Filimka “Asad” ee ay wiilashu jileen oo hadlay ayaa sheegay inuusan indho isu keenin 24 saac si uu u suuro galiyo inay labada wiil ka qaby galaan munaasabadda xafladda Oscar-ta. “Waxa aan ku qabanay sadexda usbuuc, waxay sida caadiga ah qaataan 4 sano” ayuu yiri Rafiq oo ka hadlayay dadaalkii ay u galeen inay labada atoore geeyaan madasha, asagoo waliba intaasi raaciyay mahadcelin uu u jeediyay, safaaradda Maraykanka iyo wasiirka hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee dalka S. Africa.

Haaruun iyo Cali oo la nool waalidkood iyo 13 caruur ah oo ay walaalo yihiin, kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxay deganyihiin duleedka magaalada Cape town. Filimka Asad waxaa laga alifay tuulo kaluumaysi oo xeebta ku taala oo wiil 12 jir ah uu ku qasbanyahay inuu kaladoorto nolosha burcad badeedda iyo inuu noqdo kaluumayste daacad ah.

Filimka ayaa noqday mid daafaha caalamka looga riyaaqay soona jiitay in badan oo kamid ah khuburada ku xeel dheer aflaamta ku salaysan qisooyinka xanuunka leh ee soo mara aadanaha.

Haantan Haaruun oo 14 jir ah iyo Cali oo 12 jir ah waxaa la sugayaa maalinta Axadda inay gacanta ku dhigaan abaalmarinta Oscar, waa hadii ay ka guulaystaan aflaamta kale ee tartanka ay isugu soo hareen. Sidoo kale waxay u madalsanyihiin abaalmarinta Nopel prize-ka.

Arinta xiisaha leh, Haaruun iyo Cali midkoodna waligii Iskool ma dhigan ka hor inta ayna bilaabin jilitaanka filimka. Si ay filimka u jilaanna waxay dantu qasabtay in loo qabto Turjubaan. Wiilashu qoraalka farta maysan aqoon sidaasi darteed waa loo meerin jiray ayaguna mucjisada Alle sida cajaladdii ayay duubeen wax kasta oo loo sheego.

Soosaaraha Filimka “Asad”, Rafiq wuxuu yiri “labada wiil, waa Diamons burbur ku dhex jira, hadii aadan wali arag sida ay wax u jilayaanna waxay aad uga dhalaali ogyihiin Diamons-ka aan arkay noloshayda”. Macalimiin guriga wax ugu dhiga oo loo qabtay awgeed, wiilasha waxay hadda soo gaareen dhinaca luuqadda Ingiriiska, fasalka 4aad.

“Waxay u qalmaan 2 Oscar, mid jilitaanka ah iyo mid ka qayb qaadashada isfahamka iyo isku tiirsanaanta aadamaha ee midba midka kale” ayuu yiri Rafiq oo ka hadlay waxa ay mudan yihiin Atooreyasha jiilka cusub, asagoo waliba intaasi raaciyay in dhaqaalaha ay helaan ay u isticmaali doonaan wax barista Haaruun iyo Cali.

Idale News Muqdisho