Shan ka mid ah Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howl galka Ciidamada Caalamiga ee Nato ayaa ku geeriyooday dalka Afganistaan, kadib markii diyaarad Helicopter ay saarnaayeen la soo dhacday.
Bur burka diyaarada ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Daman ee Gobolka Khandahar Isniintii.
Saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyay shilka diyaaradan, iyadoo wararku sheegayaan inay iskeed shil u gashay ama rasaas ay haleeshay.
11-ruux oo rayid ahaa iyo 7-askar Mareykan ah ayaa bishii Agosto ee sanadkii hore ku geeriyooday, markii ay la soo dhacday diyaarada Helicopter ee Black Hawk Koofurta Afganistaan.
Idale News Muqdisho