Arrin ka Jirta xafiisyada DF Oo Dhalinyarada Ku Qasabta Inay Ku Biiraan Al-Shabab

0
227

Muqdisho(INO)-Wasiiro dowlaha wasaarada arimaha gudaha C/rashiid Xidig, ayaa runta ka sheegay in shaqo la’aanta dhalinyarada kasoo wajahdo dhanka dowlada ay sababto dhibataooyin badan oo dhalinyarada soo wajaha.

xidig

Xidig oo ka qeyb galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wali xafiiska dowlada Soomaaliya la isku shaqaaleysiiyo hab beeleed.

Dhibaatada ugu daran ee dhalinyarada ku qasabta iney ku biiraan Alshabaab ayuu ku sheegay iney tahay in xafiisyada dowlada Soomaaliya aysan ka helin xaqa rasmiga ah ee shaqaalonimo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada tahriibta ay ka cararaan shaqo la’aanta ka taagan gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya, ayna kasii daran tahay marka ay xafiisyada dowlada Soomaaliya shaqo u doontaan in qaab beeleed wax ku waayaan,

Maanta dhalinyaradeyna iney badda aadaan ama Alshabaab ay ku biiraan waxaa keena in xafiisyada iyo hayadaha gaarka ay qaab beeled shaqo ugu waayaan”ayuu yiri xidig.

Wuxuu si cad u sheegay ineysan been abuur aheyn in wali xafiisyada dowlada Soomaaliya la isku shaqaaleysiiyo hab beeleed.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here