Ardeyda ka soo jeeda Koonfur Galbeed Somalia oo kulan la qaatey qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha Samafalka Turkiga

0
238

Kulan balaaran  oo ay soo agaasimeen ardey ka soo jeedo goballada Koonfureed ee Somalia waxna ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalka Turkiga  isla markaasna lagu casumey qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha Gargaarka & Horumarinta Bulshada Ee dowlada Turkiga ayaa lagu qabtey xarun weyn oo lagu magacaabo EMINEVIM kuna taala Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

ardey1 ardey2 ardey3

Kullanka ay wada yeesheen ardeyda ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle iyo  madaxda hey’adaha gargaarka ee dalkaasi ayaa waxaa diirada lagu saaraay wada shaqeynta iyo in wax laga bedelo aragtida ay hay’ada gargaarka ka qabaan lixda gobol ee ku yaala Koonfur galbeed Soomaaliya oo ay dhibaatada baahsan haysato hase ahaatee inta badan local NGO ka dhisan  magaalada Muqdisho ay ka been sheegaan wax u qabashada dadkaas dhibaatada haysato iyo xaalada amni ee ka jirta gobaladaas oo ay ku sheegaan ineysan saamaxeen in gargaar la gaarsiiyo goboladaas.

Intii uu socday kullankaasi ayaa waxa ay ardeyda soo bandhigeen sawiro iyo qoraalo muujinaayo xaqaa’iqa dhabta ah eee ka jira dalka Soomaaliya 22kii sano ee dagaalada sokeeye iyo abaarta ka jirtey Somalia iyo isu dheelitir la’aanta qaabka loo maareeyo gargaarka dhinacyada samafalka ban’iaadanimo, caafimaadka, waxbarasho, tababarada iyo horumarinta dhaqaalaha ee hay’adaha Samafalka iyo dowlada Turkiga ka fuliyaan Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ardeydu sheegeen in si aad u khaldan loo isticmaala gargaarka bani’aadanimo ee walaalaheen Turkiga ku saacidaan dadka soo barakacey, waxayna ku taliyeen in loo baahan yahay in  gargaarka Turkiga si toos ah loo gaarsiiyo deegaanada abaaraha iyo xaaladaha aadanimo ka jiraan sida garoomada ama dekadaha Gobalada Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Gedo, iyo Jubbada Hoose laakiin aan loo soo marin Magaalada Muqdisho si aysan u dhicin masuqmaasuq gargaarka bani’aadanimo loona yareeyo qarashka ku baxa ilaalada, kirada keydka raashiinka iyo dhaca loo geysto mararka qaar.

Waxay ardeydu u balanqaadeen dhamaan hay’adaha samafalka Turkiga iyo TIKA  in ay kala shaqeyn doonaan qaabkii gargaarka dadka tabaaleysan lagu gaarsiin lahaa gobalada Koonfureed ee dalka, loogana hortagi lahaa Xaalad aadanimo iyo Abaaro dadka ka soo qaxiya gobalada iyo deegaanada ay ku nool yihiin, dadka kaamamka Muqdisho ku jirana dib loogu celin lahaa deegaanada ay ka soo hagaameen.

Ugu dambeyntii waxay ardeyda ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Hay’adaha gargaarka isla garteen iney sii wadaan kulamada wadatashiga bilowga ah, waxay sheegeen iney kulmadooda dambe ku martiqaadi doonaan masuuliyiin sare oo dowlada iyo dhamaan hay’adaha samafalka Turkiga gaar ahaan kuwa ka howlgala dalka Soomaaliya.

Madaxa Hay’ada DUNYA YETIMLER CEMIYETI oo isna halkaas ka hadley ayaa u mahad celiyey ardeyda kulankaas soo qabanqaabisey iyo fahanka ay ka siiyeen wadciga Somalia ka jira, waxayna dhankooda balanqaadeen inay kala hadli doonaan hay’ada samafalka Turkiga iyo masuuliyiinta dowlada sidii ay wax uga bedeli lahaayeen howlaha samafalka & horumarinta bulshada ee dalka Soomaaliya laga wado iyo sidii loo yareyn lahaa nolosha barakacayaasha ku soo qulqulaaya magaalada Muqdisho . Waxayna u balanqaadeen in ay hay’adooda tixgelin siin doonto lixda gobal ee koonfur galbeed Soomaaliya ee aan ka helin Turkiga iyo dalalka deeqaha bixiya wax horumarin iyo samafal muuqda oo la taaban karo 22kii sano ee dagaalada sokeeye Somalia ka jireen.

Kullankan ayaa waxa uu ifafaalo wanaagsan u yahay bulshada soomaaliyeed  ee ku dhaqan gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay ardeyda wax ka barata Turkiga kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay ballan qaadeen in ay si dhab ah uga howli doonaan fududeynta howla gargaar ee hay’ada gargaarka dibada iyo maamulada koonfur galbeed Soomaaliya si bulshada deegaanadaasi ay u helaan gargaarka ay baahan yihiin  iyadoo loo soo marinaayo garoomada ama dekadaha magaaladaas ku yaala goboladaas.

Idale News Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here