Aqriso War Saxaafadeed: Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Si Kuluul U Cambaarayey Xasuuqii Wardiinle Ee Gobolka Bay

0
359

Southwest Salvation Council – Email: southwestsalvation@gmail.com, HQ, Baidoa, Somalia
______________________________________________________________________________
20 July 2016, Baidoa, Somalia
Ref: SSC/16/B/

Ujeeedo: War Saxaafadeed – Cambaareyn Dilal Loogu Geeystay Odayaal Tuulada Wardiinle ee Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Maalintii Axaddii oo taariikhda ahayd 17 July 2016, waxaa tuulada Wardiinle oo ka tirsan degmada Baydhabo ee gobalka Baay lagu dilay ugu yaraan 14 oday ama nabadoono oo ka soo jeedo deegaanka Wardiinle.

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay aaga Wardiinle ayaa waxa ay sheegeen in odayaasha lagu laayay tuulada Wardiinle ay ahaayeen inta badan odayaal isku reer ah, isla markaasna goobta ku lahaa kullan nabadeed oo ku saabsan horumarinta deegaankooda.

Waxaa ah arin aad iyo aad looga xumaado in dhacadadaan lagu war bixiyay in ay geesteen qaar ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka howgala ama xaruntooda ay tahay magaalada Baydhabo. Si qaas ahna waxaa farta loogu fiiqay in dilalkaan ay geesteen ciidamo ka soo jeede Ethiopia ee ka howlgala aagaas kana tirsan AMISOM.

Ciidamada AMISOM oo loo keenay wadanka Soomaaliya in ay ka caawiyaan dowladda Federalka iyo shacabka sugida ammaanka iyo nebedgalyada, ayaa waxaa dhacday in ay si bareer ah ay dad shacab ah oo aan wax dagaal ku jirin ay xabado ku furaaan, oo tiro intaaa la egna la dilo hal waqti ama daqiiqado gudahooda. Taasi waxa ay muujineysaa masuuliyad daridda iyo isla xisaabtan la’aanta ka jirta howlaha AMISOM oo loo idmay inay qabato dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo xusid mudan in dadka la dilay ay da’dooda u dhaxaysay 42-85 jir, arintaas oo muujineyso in si toos ah loo weerarey dad meel gaar ah ku kullansanaa.

Sidaas darteed, Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa kale uu uu halkaan ka cambaareynayaa falkaas dilalka naxriis darada ah  oo ay geesteen ciidamo ka tirsan AMISOM kaas oo aan ka codsaneyno in  Maamulka KGS , Dowladda Federalka Sooomaaliya, AMISOM iyo UNSOM in dhacdadaan lagu sameeyo baaritaaan gaar ah lana hor keeno caddaaladda ciidankii iyo taliyaashii ka dambeeyay dhibaatadaas dhacaday.

Waxaa kalloo xusid mudan in dhibaatooyinka ku saabsan xadgudbyo dhinaca badni’aadaminada ay ka jiraaan goobo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, sida dilal, kufs iyo isbaarooyin sharci daro ah. Dhibaatooyinkaas, ayaanan inta badan aysan ka hadlin maamulka Koonfur Galbeed, kan dowladda Federalka, golaha Shacabka ee Soomaaliya iyo hayadaha ka shaqeeyo dhowriska xuquuqda baniaadamka ee ka jira dalka Soomaaliya.

Sidaas darteen, Golaha Badbaadada KGS, waxaa uu ka codsnayaa maamulada ka jira KGS iyo dowlada Federalka Somaliay in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas soo noqnoqoday oo ka dhan ah xaquuqda bani’aadamka oo ka taagan gobolka Shabeelaha hooose laguna xisaabtamo dadka geysanaya dhibaatoyinkaas in la hor keeno cadaaladaa.

Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa uu u baahanyahay maanta waa muumul wanaag, cadaalada, isla xisaabtan iyo in aan lagu xadgubin xaquuqda asaasiga ee muwaadanka degen deegcanada koonfur galbeed. Waxaan kaloo mudan in laga shaqeeyo sidii si nabad ah ay ugu wade nooladaan dhammaan dadka degen gobolka, lana ixtiraamo rabitaanka dadka deegaanka ee gobolka Shabeelaha Hooose.

Waxaan qoraalka ku soo gebagabeynayaa baaq aan u direyno Dowladda Federlka, kan maamul goboleedka kumeel gaarka ee KGS iyo AMISOM in baaritaaan rasmi ah in lagu sameeyo dhacadii Wardiinle iyo in isla markaasna sharciga lahor keeeno ciidamadii iyo saraakiishii ka dambeysay dilalkii lagu  xasuuqay 14 okay dhaqameed ee ka dhacay deegaanka Wardille ee Gbolka Bay.

Baaqeyna waxaan ku dareynaa in AMISOM  ay bixiso dhiig iyo magdhow lana siiyo qoysaskii loo geystay dhibaatada dilalka 14 ka oday dhaqameed iyo falalka argagaxa leh ee ka dhacay tuuulada Wardiinle ee loo gestay dadka shacabka ee ku dhaqan tuulada Wardiinle ee Gobolka Baay.

 

Mahadsanidiiin.

Abdulkadir Abukar Sheikh
Gudoomiyaha Golaha Badbaadada KGS
email. southwestsalvation@gmail.com