Aqriso: Wajiigii labaad ee Codaynta Doorashada Aqalka hoose ee Puntland oo ay ku so baxeen Lix-xubnood

0
164

Garowe(INO) – Wajigii Labaad ee Codaynta Xubana Aqalka hoose ee Puntland  oo Maanta si rasmi ah uga bilaabtay Magaalada Garowe  ayaa waxaa  ku so baxay  Lix-Xubnood oo ka mid yahay Saciid Xussen Ciid  Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Soomaaliya.

Xubnahan Maanta la doortay ayaa ka mid ah 37 Xildhibaan oo labo iyo toban ka mid ah ay  horay u so baxeen,kuwaaso Puntland ay ku leedahay 275 Xubnood ee Golaha Sharci dajinta Soomaaliya.

Sidoo kale,Xildhabaanadan so baxay ayaa waxaa kamid noqday Labo Haween ah,Waana markii uga horaysay oo Puntland ay gabar ka so baxdo Aqalka hoose,tan iyo markii ay bilaabatay Codaynta doorashada Aqalka hoose ee Qaybta Puntland,

Haddaba Hoos ka akhriso Xildhibaanada so baxay iyo Codadka ay heleen.

  • Siciid Xuseen Ciid wuxuu helay 49 Cod
  • Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi oo helay 32 cod.
  • Burhaan Aaden Cumar oo helay 51cod,
  • Jaabir Maxamed Cabdi oo helay 32cod,
  • Siciido Maxamed Xasan oo heshay 43cod
  • Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo heshay 31cod

Dhinaca kale,Gudiga Doorashada Puntland ayaa sheegay in Xubanaha u tartamaya Kuraasta hartay in ay deg deg ku so gudbindoonaan,kuwaaso ay ku jiraan kuraas Haweenka u gaar ah.

Ugu Danbayntii,Xildhabaanadan Cusub ayaa qayb ka noqondoona Xildhibaano Gaaraya boqol oo ilaa hada ka so kala baxay Goobaha doorashooyinka Maamul gobaleedyada dalka soomaaliya,kuwaaso la filayo in dhawaan Magaalada Muqdisho ku so doortaan Madaxweynaha soomaaliya hogaamindoona Afarta Sano ee socota.