Muqdisho ( INO)-Warar horu dhac ah oo aan ka heleyno weeraradii saaka ka dhacay Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in ay jiraan Waxgarad iyo Xildhibaanno wax ku noqday weerarkaasi.
Malaaq Deerow Afhayeenka Gollaha Odyaasah Dhaqanka Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Waxgarad ay ka mid yihiin Malaaq Malabow Isaaq Keerow iyo Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan in ay ku dhinteen weerarkaasi.
Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan ayaa ka mid ah 135 Oday Dhaqameed ee Beelaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale Malaaq Deerow ayaa xaqiijiyay in Hoteelka loo madlanaa in kulan maanta lagu qabto oo inta badan ay ka qeyb galayeen Xildhibaanada labada aqal ee ka jeeda Koofur Galbeed kaas oo looga arrinsanayay arrimaha Doorashooyinka.
Waxaa dhawacyo Helis ah Soo Gaarey:
- Yusuf Abdi Macalin Malaaq Beesha Eeylo
- Malaaq Xasan Buulle Malaaqa Beesha Jilib iyo
- Malaaq Shariif Muxyidiin, Malaaqa Beesha Asharaaf
Xildhibaanadaasi ayaana la rumeysan yahay in waxyeello ay ka soo gaareen weeraradaasi walow aan si rasmi ah loo ogeyn.
Waxa uu Malaaq Deerow uu intaas ku daray dad gaaraya illaa 30 qof oo waxyeelooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay soo gaareen in indhihiisu ay qabanayeen markii Qaraxa kowaas uu dhacay.
Sidoo kale waxaa Hoteelka ku sugnaa Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
Masuuliyiinta la xaqiijiyay ee Hoteelka Dayax ku sugnaa waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdiraxmaan Sate, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta Koofur Galbeed Aaden Xasan Maxamed, Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Fareey., Xildhibaan Carte Xildhibaan C/laahi Black iyo Masuuliyiin kale oo inta badan ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.