Aqriso: Madaxweynaha KGS Oo Wareegto Ka Soo Saarey Is Qab Qabsiga Dhulka Ee KGS

0
192

Baydhabo(INO)- Digreeta ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed shariif Xasan Sheekh Adaan ayaa lagu Joojiyey Muran dhanka dhulka ah oo mudooyinkii  dambe  ay ka taagnaayeen Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay iyo Nawaaxigeeda.

Digteetadan xeerka Madaxweyne ayaa mudo 3 Bilood lagu joojiyey Isqab qabsiga Dhululka Magaalada Baydhabo, Iydoona 3 Bilood ka dib ayaa dacwada dhulka loo gudbin doonaMaxkamada Sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya sidaasi waxaa lagu yiri Digretada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan.

Sidoo Kale Digreetadan ayaa loogu digay Ciidamada in ay qeyb ka qaatan muranka dhulka maadama hore ciidamo ay ugu dagaalameen dhul ku yaala Duleedka Magaalada Baydhabo.

Dhawaan ayey aheyd marki dhacdo dhanka dhulka ah si nasiib daro ah ugu dhacday Baydhabo Bishi June 12 Ee ay ku Naf Wayeen 11 Kuwaasi oo iskugu Jiray Shacab iyo Ciidamo.

 Halkan Ka Aqriso.

Idale News Online, Baydhabo.