Aqriso: Madaxweynaha KGS Oo Inta Uusan Ka Tagin Afgooye Magacaawey 3 Xil Oo Muhiim Ah

0
540

Afgooye(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay isbadalo ku sameeyso Maamulada Degmooyinka oo ay ka mid tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabellha hoose, halkaasi oo ay ka socdaan kulamo wadatashi ah.

shariifka

Hadaba inta uu joogey   madaxweynah Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh  ee Degmada Afgooye waxaa uu  kulumo Gooni Gooni ah la yeeshey Qiibaha Kala Gedisan ee Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlada KG Soomaaliya  intuusan ka amba bixin Degmada Afgooye waxaa uu  Magacaabey 3-xil oo muhiim ah:

  • Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) Isu-Duwaha Wasaarada Maaliyadda ee KGS ee Gobalka Sh/Hoose, HabarGidir/Hawiye.
  • Maxamed Abuukar Jacfar Taliyaha Nabadsugida Gobalka Sh/Hoose, Murusade/Hawiye.
  • Cumar Fareey Muuse Qasnajiga Dowlada Hoose ee Degmada Afgooye, Abgaal/Hawiye.

Ugu dambeyntii, Dhawaan ayaa la filayaa in la soo Magacaawo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellah Isla  Markaana waxa lagu wadaa inuu noqon doono qof dhalanyaro ah oo La yiraahdo C/qani oo ka soojeeda Beesha Galadi/Digil iyo Mirifle.

cabdi qani

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here