Aqoon Yahan Xuseen Sheekh Maxamuud oo Maanta Musharaxnimadiisa Xildhibaanimo oo Maanta ku Shaaciyey Magaalada Baydhabo.

0
212

Musharax Xuseen Sheekh Maxamuud (Haaruun) ayaa maanta magaalada baydhabo ka shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka baarlamaanka cusub ee dhawaan la dhisayo.
Musharax xuseen Sheekh ayaa munaasabada uu ka shaaciyay musharaxnimadiisa waxaa kasoo qaybgalay boqolal dadweynaha magaalada baydhabo oo qaybaha kala duwan ee baydhabo isugu jiray.
dadweynaha kasoo qaybgalay munaasabada uu ku shaaciyay musharaxnimadiisa ayaa muujiyay inay taageersan yihiin xuseen sheekh inuu u matala xilka aqalka hoose ee baarlamaanka federalka somalaia ee dhawaan la dhisayo
Xuseen sheekh Maxamuud wuxuu ku dhashay deeegaanka garaswayne oo katirsan gobalka bakool . waana 34jir kusoo barbaaray ama noloshiisa kusoo qaatay deegaano katirsan gobalka bakool.
Dugsiga hoose wuxuu kusoo qaatay deegaanka garaswayne iyadoo waxbarashadiisa dhexe sare iyo heerka jaamacadeed ku qaatay magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya.
⦁ Waxbarasha heerka 1aad (Bachelor degree) ee jaamacadda waxuu kuqaatey Jaamacadda SIMAD sanadihii 2007-2010 isagoo bartey Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga.
⦁ Waxbarasha heerka 2aad (Master degree) waxuu ku qaatey Jaamacadda Kampala ee Uganda sanadihii 2011-2013. isgoona ku takhasusey Horumarinta Bulshada.
⦁ Musharax Xuseen sheekh Maxamud wuxuu leeyahay ilaa 13 sano oo khibrad shaqo oo uu kasoo shaqeeyey meelo kala duwan iyo masúlliyado kala duwan. Waxuuna si weyn uga qeyb qaatey waxbaridda ubadka Soomaaliyeed ee heerarka kala duwan, u gargaaridda dadka Tabaaleysan iyo horumarinta bulshada.
⦁ Musharax Xuseen Maxamud wuxuu kashaqeeyey mashaariic horumarineed oo heyádo kala duwan oo uu kala soo shaqeeyey magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Xudur. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah kuwa gar-gaarka deg-degga ah iyo kuwa horumarinta kaabayaasha bulshada sida waxbarasha, caafimaadka, xarumaha dawladda, ceelasha iyo kuwo kale.isagoo noqday madaxa guud ee hay’ada DDG gobalada Bay iyo Bakool.
Munaasabada shaacinta musharaxnimada Xuseen Sheekh Maxamud ayaa kusoo gaba gabowdey jawi dagan iyagoo dadkii halkaasi isugu yimid musharaxa ku tilmaamyey inu yahay Qof Hal Abuur leh Aragti Fogna leh

suit_2016_2 xuseen-haaruun xuseen