Ammaanka dalka Soomaalilya Kulan loogu wadahadlaayo oo maanta ka furmay magaalada Kampala…

0
183

Kulan loogaga hadlayo ammaanka dalka Soomaaliya ayna ka qeybgalayaan madaxda dalalka ciidamadoodu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo caasimada dalka Uganda ee Kampala.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda H.E. Yoweri Kaguta Museveni oo marti loo yahay iyadoo dowlada Soomaaliyana uu ugaga qeybgalayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan,

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, Tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Ururka Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga dalka Soomaaliya ay isaga baxaan iyadoo ciidamada Milatariga Soomaaliya la filayo in ay kala wareegaan ammaanka dalka Soomaaliya