AMISOM oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ay geystaan, iyagoo isu ekeysiinaya

0
226

Muqdisho(INO)— AMISOM ayaa ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan goobaha ay maamulaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, iyagoo isu ekeysiinaya, isla markaana isticmaalaya dareyska Ciidamada AMISOM.

War lagu qoray barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in AMISOM warbixin ku heshay qorshayaal Al-Shabaab ku doonayaan inay weeraro xasuuq leh, iyagoo iska dhigaya inay yihiin AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in Al-habaab ay dooneyso in weerarada u isticmaasho dareyska ay leeyihiin Ciidamada, kadib markii dhowaan la sheegay in xeryaha AMISOM ka dhaceen dareys iyo agab kale.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay doonayaan in iyagoo isu ekeysiinaya ay shacabka waxyeelo u geystaan, isla markaana iska horkeenaan iyaga iyo shacabka

Al-Shabaab ayaa dhowaan weerar culus ku qaaday Xero Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ka qaateen saanad ciidan, dareys iyo agabyo kale.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here