Kadib la wareegitaankoodii maalin ka hor ay la wareegeenCiidamada AMISOM garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM waxa ay fariisimo muhiim ah ka sameeysteen garoonka garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee gobalka Shabeelaha Hoose
Fariisinka ay AMISOM ka sameysteen garoonka diyaaradaha Balli-doogle waxa uu muhiim u yahay howgaladooda ka dhanka ah Al Shabaab iyo weliba iney halkaasii ka sii wadaan dhaq dhaqaaqyadooda militeri si ay ugu sii dhawaadaan deegaanka buurhakaba ee gobalka baay, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ee dagaalada kula jiro Ciidanka Dowladda iyo Kuwa AMISOM.
Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa waxa ay u arkeen in garoonka Balli-doogle ee gobalka Shabeelaha Hoose fursad muhiim u yahay howlgaladooda Militeri maadaama uu yahay garoon Militeri oo istiraatiiji ah, iyadoo Ciidamada AMISOM ay u isticmaali karaan howlahooda muhiimka ah iyo sidii diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa kaleba ee saanadaha milateri u sida inay uga soo degaan garoonkaas.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa qorshahoodu yahay in ay u sii tallaabaan qeybo muhiim ah oo ka tirsan Gobalka Baay si isugu xiraan Magaalada Beydhabo iyo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.