Muqdisho(INO) – Kaddib kulan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhaxmaray AMISOM, ayeey ku dalbadeen ciidammo dheeraad ah oo lagu biiriyo howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya.
Taliyayaasha ciidammada, Kenya, Burundi, Jabuuti, iyo mas’uuliyiin ka socday Uganda, ayaa goob joog ka ahaa kulanka, iyaga oo ugu baaqay QM iyo dalalka deeq bixiyayaasha in ay gacanta ka geystaan keenista ciidammo gaaraya 4.000 oo askari.
Taliyayaasha ayaa sheegay in ciidammadan looga baahan yahay in ay qeyb- ka noqdaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo la geynayo gobollada, Jubbooyinka, Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Ku dhowaad 22-kun askari oo ka socda illaa shan dal ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo wali awood u heli la’ ka hortagida weerarada Al-Shabaab.
Ugu danbeyntii, ciidammada Itoobiya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa dhowaan faarujiyay deegaano ku yaalla Koofurta Soomaaliya, halkaasoo markii dambe ay la wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.