AMISOM Oo Beenisay in Al Shabaab Ay Si Buuxda Ula Wareegeen Magaalada Marka Ee G/Sh/Hoose

0
405

Muqdisho ( INO)-Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa beeniyay in Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Kibet ayaa xusay in ay jirto  in mar ay soo galeen Al Shabaab Magaalada Marka balse haatan aysan iyagu ka arrimin sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa xusay in qiyaastii 800M ay u jiraan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

“ Roondooyin ayaan ka sameynay Magaalada Marka aageeda mana arkin cid ka tirsan xoogagaasi Al Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka AMISOM.

Xarakada Al Shabaab ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii Ciidamada dowladda ay isaga baxeen Magaaladaasi sida Idaacadda Shabelle dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay