AMISOM oo amaan kala dul-dhacday Dowladda Iran xilli lagu Eedeeynaayay inay Hub siiso Argagixisada Somalia

0
214

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka (FRAS) ee laga leeyahay Dalka Iran ayaa waxaa amaan u Jeediyay Xukuumadda Iran Afhayeenka Ciidamadda AMISOM ee Howlgalka kawada Magaaladda Muqdisho iyo Gobolada dalka Mr Cali Aadan Xaamud.

Cali Aadan Xaamud Afhayeenka Ciidamadda AMISOM ayaa Xukuumadda Iran ku ammaanay kaalmooyinka ay lasoo gaarat Qaxootiga soomaalida ee Ku sugan Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda

Afhayeenka waxa uu sheegay in Xukuumadda iyo Hay’adaha Samafalka Iran ay garab xoogan ka geesten Somalia, isaga oona intaa ku daray in Howsha aysan ku Ekeen Samafal balse ay Xukuumaddii Hore Somalia ee uu hogaanka u haayay Shariif Sheikh Ahmey ay dhaqaale ugu deeqen

Dhanka kale Afhayeenka AMISOM Kornayl Cali Aadan Xumad ayaa ka codsaday dowladda Iran in ay u fidiso taageero ciidamada AMISOM  si ay nabad ugu soo dabaalaan Gayiga Somalia isaga oona intaa ku daray in Xilligaani ay tahay xiliga loo baahanyahay Dowladda Iran inay garab ka geysato soo celinta Nabadda Somalia

Si kastaba ha ahaatee Amaanta iyo Codsiga Afhayeenka ayaa imaaneysa Xilli dhawaan ay QM eedeeyn dusha uga tuurtay Xukuumadda Iran iyo Yemen kuna Eedeeysan inay ka shaqeeyan xasilooni daro kusii baahda Somalia.

Idale News Muqdisho