Amiirka Kooxda Al-shabaab Oo Soo Direy Fariin Culus Oo Argagax Leh

0
847
Muqdisho (INO) – Fariin cod ah oo uu soo duubay Horjoogaha ugu sareeya maleeshiyaadka Al-shabaab ”Abuu Cubeyda”, ayaa waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia dabayaaqada sanadka 2016-ka.
 Abuu Cubeyda, ayaa fariintiisa codka ah soo mariyay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa waxa uu ka digay in laga qeyb qaato doorashada ka dhici doonta Somalia.

Abuu Cubeyda, waxa uu sheegay in dalka Somalia uu gacanta ugu jiro Shisheeye sidaa aawgeedna aysan ka raali noqon doonin in Somalia ay ka dhacdo doorasho ay horboodayaan dalalka shisheeye.

Fariinta Abuu Cubeyda oo qaadaneysa ku dhawaad 44 daqiiqo oo dhageysi ah ayaa waxa uu ku sheegay in Somalia aysan ka talin doonin dowlado shisheeye waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamada shisheeye ee ka howlgala Somalia ay Tacadiyo iyo dhibaatooyin farabadan ku hayaan shacabka.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab aysan indhaha ka fiirsan doonin doorasho ay soo dhoodhooben dowladaha kusoo duulay Somalia, sida uu hadalka u dhigay waxa uuna ku goodiyay in tallaabo ay ka qaadi doonaan cidii isku dayda inay ka qeybqaadato doorashooyinka.

Fariinta ayuu sheegay inay ku socto dhammaan Soomaalida kuwooda u hanqal taagaaya inay ka qeybqaatan iyo kuwa u sacaba tumaaya waxa uuna dadka shacabka uga digay inay ka raali noqdaan doorashada la filaayo.

Abuu Cubeyda, waxa uu dowladaha reer galbeedka iyo kuwa dhaca qaarada madow ee Africa uga digay inay ku dhiiradaan in Somalia ay ka dhaqan galiyaan rabitaankooda, waxa uuna cadeeyay in mowqifkooda uu yahay inay fashiliyaan.

Ugu dambeyntii, Haddalka Abuu Cubeyda uu Soomaalida hawada u mariyay ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu soo diro tan iyo markii uu xilka Argagixiso ka qabtay Somalia.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay