Amaro adag oo la duldhigay Ciiddamadda Kismaayo

0
209

Kismaayo-1_12Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib, ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo uu amar ka soo saaray Ciiddamadda Hubeysan ee ku dhex  jira Magaalooyinka hoostaga Kismaayo, waxa uuna Taliyaha Sheegay in Amarkaasi uu ka dambeeyay ka gadaal markii  gudaha Magaaladda dhaawac loogu geysatya dad rayid ah.

Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib, ayaa sheegay in Ciiddanka hubeysan ay ka baxaan Magaalada, waxa uuna sheegay in toban qof lagu dhaawacay gudaha magaalada labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Maxamuud Qaalib, ayaa sheegay in Maamulka uu Talaabo ka qaadi doono Askarigii Hubeysan ee dhex socda Magaaladda, wuxuuna Tilmaamay in Ciiddamadda loo sameynaayo xad u gaar ah markii laga reebo Ciiddamadda Ammanka iyo kuwa Dharcadka ah, Wuxuu sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay kaddib markii askar ka tirsan ciidanka ku sugan Kismaayo ay siyaabo kala duwan u dhaawaceen toban qof oo rayid ah oo qaarkood dhac loo geystay, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib, ayaa Xusay in Maamulka Kismaayo ay qalinka ku duugeen in Ciiddan gaar ah oo tiradoodu ay kooban tahay ay la wareegi doonaan xaqiijinta ammaanka magaalada Kismaayo.

Idale News Muqdisho