Leego(INO)— Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku heyso meydad askar badan oo ka mid ah Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, kuwaasoo shalay lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Leego, markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xero ay degenaayeen.
Bayaan ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku qornaa afafka Carabiga iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan meydadka 60 askari ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwii Burundi ee lagu laayay weerarkii cuslaa ee ka dhacay Leego.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadii qaaday weerarkii adkaa ee Leego inay ka tirsanaayeen Guuto loogu magac daray Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaasoo sanadkii hore lagu dilay duqeyn Mareykanka ka fuliyay Shabeellaha Hoose.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Guutadan ay mar walba u taagan yihiin bur burinta AMISOM, waxaa kaloo Guutadan la sheegay inay ahaayeen kuwii khasaaraha u geystay Ciidanka Itoobiya ee ka midka ah AMISOM oo labo todobaad ka hor lagu weeraray wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii shalay oo ku bilowday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhiftay irida hore ee xerada, kadibna ay si xeelado iyo taatik ku saleysan ay dagaalyahanadooda xeradaas u galeen, kuna dileen askar badan oo ka tirsan AMISOM.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa qiray dhibka gaaray Ciidamada Burundi, isagoo tilmaamay in meydadka illaa 18 ka tirsan askarta Burundi la geeyay deegaanka Farsooley ee ka tirsan Shabeellaha Hoose.
Si kastaba ha ahaatee weerarkii shalay ayaa waxaa cambaareeyay Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka tacsiyadeeyay dhibka gaaray ciidanka Burundi, waana markii labaad oo Ciidamada Burundi uu khasaare xoogan soo gaaray, dhamaadkii sanadkii 2011 ayay aheyd markii deegaanka dagaal ka dhacay deegaanka Dayniile askar fara badan looga dilay.
Idale News Online, Muqdisho