Al-Shabaab Oo Sheegay In Askar Ka tirsan AMISOM Ku Dileen Dagaalo Maalintii Labaad Ka Socda Duleedka Buurhakaba

0
231

Jameecadda(INO)— Al-Shabaab ayaa weeraray kolonyo ciidamada Itoobiya la socdeen oo marayay Tuulada Jameeco oo qiyaastii 30-KM u jirta magaalada Buurhakaba, kadib markii ay jidka u galeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen daryanka hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana weerarka uu bilowday shalay gelinkii dambe.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray kolonyada Ciidamada AMISOM la socdeen, waxaana dagaalka uu si goos goos ah u socday ilaa maanta barqadii.

Warar lagu baahiyay dhinaca barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay dileen illaa sodon ka tirsan Ciidanka Itoobiya, ayna gubeen todobo gaadiid agagaarka magaalada Buur Hakaba.

Warar kale oo dadka deegaanka laga helay waxay sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan, oo socday saacado badan, iyadoo markii dambe la arkayay diyaarado dul heehaabayay halka dagaalka ka dhacay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab iyo dagaalka ay Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda la kulmeen, hase ahaatee waxaa dagaalkii ugu cuslaa oo muddooyinkan ka dhaca aagga Buur-Hakaba.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here