Al shabaab oo Labo Garab ukala jabay – Daacisha aan ku biirno

0
234

Jilib (INO) — Mahad Karatey oo ah Madaxa Amniyaatka Kooxda Al shabaab iyo Hogaamiye kale oo lagu magacaabo Cumar Mataan ayaa kasoo horjeesay Hogaamiyaha Kooxda Axmed Diiriye (Abu Cubayda).

Teaser Image Dagaal ka socda Jilib & Al shabaab oo Labo Garab ukala jabay - Daacisha aan ku biirno

Hogaamiyaasha Al shabaab ayaa isku khilaafsan inay Daacisha ku biiraan iyo inay kasii mid ahaadaan Al Qaeda oo 2012 ay ku biireen.

Maaleeshiyaad kala taageersan Labada Garab ayaa tan iyo Xalay ku dagaalamnaya Degmada Jilib, ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaana aad u adag in la helo Warar ku saabsab Xaaladda Degmada iyo Khasaaraha Dagaalka.

Mahad Karatey waa Hogaamiye awood badan ku dhex leh Kooxda Al shabaab, waxaana la sheegayaa inuu doonayo in Kooxda uu ku biiriyo Ururka Daacish (ISIS), si Dhibaatada Dhaaqaale uga baxaan.

Kahor inta Mareykanak Duqeyn ku dilin Bishii September 1, 2014, Axmed Godane, Hogaamiyhii Al shabaab, waxaa Kooxda hareeyay Khilaad ku salaysnaa dhanka Hogaanka iyo Dagaalkooda, iyadoo taasi ay keentay in Godane uu ka dhigo Hogaamiyaasha qaar uu dilay, qaar uu xiray iyo kuwa kasoo baxsaday.

Ururka Daacisha oo ka dagaalama Iraq iyo Syria ayaa doonaya inuu awoodiisa ku balaariyo Dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa Muslimka ah, waxaana Al shabaab ay ku dhex leeyihiin Hogaamiyaal badan oo taageersan.

Idale News Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here