Kismaayo ( INO)-Xarakada Al Shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Beerxaani ee duleedka Magaalada Kismaayo.
La wareegista Al Shabaab ayaa timid kadib markii shalay Ciidamada maamulka Jubbaland ay tageen deegaankaasi Beerxaani ayna dhibaatooyin ka geysteen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii Jubbaland ee shalay gaaray deegaankaasi ay gubeen Guryo dad shacab ah ay degenaayeen.
Beerxaani ayaa qiyaastii 45 Km dhanka Koofur Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.