Al-Shabaab oo beeniyay ninkii ay soo bandhigtay NISA uu ka dambeeyay Qaraxii Dekeda

0
203

Muqdisho(INO)— Al-Shabaab ayaa beenisay in nin ay soo bandhigeen Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida inuu ahaa kii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay agagaarka Dekeda Muqdisho 11-kii bishan.

War ka soo baxay habeen hore Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa lagu sheegay in howl gal gaar ay sameeyeen Ciidamada NISA lagu soo qabtay Maxamed Ibraahin Xasan uu ahaa darawalkii dhigay gaarigii waxyaabaha qarxa ka buuxay nawaaxiga Dekeda Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay codka nin lagu sheegay inuu ahaa naftii hurihii fuliyay weerarka Istish-haadiga, kaasoo la beegsaday saldhig boolis ku dhow Dekeda Muqdisho

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Khaalid Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Garaad, waxaa uu ku dhashay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Wareysi dheer oo laga sii daayay Idaacada afka Shabaab ku hadasha ee Andalus ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu fuliyo weerarka is qarxinta, aabihii uu ku dhintay dagaalada loogala soo horjeedo Ciidamada shisheeye.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninka ay soo bandhigeen NISA aanu aheyn kii ka dambeeyay weerarkaas, isla markaana wax lala yaabo ku tilmaamay in nin 16 maalmood ka hor rabbigii aaday inay dhahaan waa qabanay waa sida lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa horay u soo bandhigtay ninkii ka dambeeyay qaraxii maqaayad ku taal Liido dhamaadkii bishii Agosto ee sanadkan, waxaa ninkaas uu waxyeelo ka soo gaartay wajiga hore, maadaama siduu uu rabay wax ugu qarxin, gaar ahaan gaarigii waxyaabaha qarxa saarnaa oo qeyb dhan aanay wada qarxin