Al-Shabaab Oo Baraawe Ka Geysatay Fal Cabsi Badan Ku Abuuray Shacabka

0
303

Barawe(INO)-Wararka laga helaayo Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka alshabaab ay halkaasi ka afduubteen ilaa iyo Seddex dumar oo aan la garaneynin waxa ay yihiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dumarkaasi xili habeen ah ay kala baxeen aqaladooda, iyagoona ku ritay gaari nooca raaxada ahaa oo ay wateen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dumarkaani la afduubtay ay kamid ahaayen kuwa deegaanka islamarkaana laga soo kala qabtay Seddex guri oo kala duwan, waxa ayna intaa hadalkooda ku dareen in dumarkaasi looga shakiyay in wadashaqeyn ay kala dhexeysay laamaha amaanka DF Somalia iyo kuwa AMISOM ee Degmada.

Lama sheegin halka ay la aaden dumarkaasi, waxaana la rumeysan yahay in raga afduubka kula dhaqaaqay ay kamid ahaayen Amniyaadka Kooxda.

Dhanka kale, Laba maalin ka hor inta uusan Afduubka dumarkaasi dhicin, ayaa la sheegayaa in maleeshiyaadkaasi ay tageen guryaha haweenkaasi balse ay soo weynayeen.

Maamulka Degmada, ayaan weli ka hadal dhacdadaani mudooyinkaani dambe kusoo badaneysa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Idale News Online, Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here