Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe dagaal ku qaaday degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo dagaal qaatay muddo saacad ay gudaha ugu galeen degmada, sida Saraakiil ka tirsan Shabaab ay xaqiijiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu markii hore dhow jiho ka qarxay, markii dagaalyahanada Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen, waxaana dagaalka uu soo gaaray saaka waabarigii.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Xoogaga Shabaab ay galeen saldhigyo milateri, isla markaana ay Maxaabiis ku jirtay xabsiga Afmadow ka sii daayeen.
Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daray in Al-Shabaab markii ay isaga baxeen Afmadow ay dib gacanta ugu dhigeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha dagaalka ka dhashay, hase ahaatee waxaa uu dagaalka ka dhacay Afmadow ka duwanaa dagaaladii hore, markii Xoogaga Al-Shabaab weeraro xeeladeysan ku qaadeen fariisimaha Ciidamada ku lahaayeen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo ku saabsan dagaalka Afmadow, waxaana xiisad laga dareemayaa degmada dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidamada is garabsanaya.
Degmada Afmadow ayaa sanadkii hore u gacan gashay Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda, iyadoo markaas wixii ka dambeeyay Al-Shabaab ay dhowr weerar ku qaadeen degmada.
Idale News Mogadishu