Garowe(INO) Maanta ayay soo saareen dhinacyaddii uu shirka uga socday magaalo madaxda Puntland ee Garowe, war murtiyeed ka kooban todobo qodob, kuwaasoo qaarkood dadku aad u xiisaynayeen.
Waxaa lagu cadeeyay qoraalkan in Puntland uusan saamayn ku lahayn mamulka gobaladda dhexe, dad ka socdaaa Puntland-na aysan ka qayb gali Karin, taasoo macnaheedu yahay mamulka inuu ku kooban yahay Galmudug iyo Galgaduud.
Madaxda ugu saraysa dalka oo hadalo kooban saxaafadda u jeediyay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, in la isku afgarto waxyaabihii laga wada hadlayay oo salka ku haya dowladd dhisida.
Dadka oo aad ula socday shirka ayaa Idale News Online u sheegay inay ku faraxsan yihiin waxa maanta shirka kasoo baxya.
Halkan Ka Akhriso.
Sawirka hoose riix si aad qoraalka u akhrisid
Idale News Online, Garowe