Maxkamad ku taala Magaalada San Diego ee Dalka Mareykanka ayaa shalay la soo taagay Afar Soomaali ah, oo uu ku jiray Iimaam Masjid, kuwaasi oo loo haysta inay gacansaar la lahaayen Hoggaamiyihii geeriyooday ee Alshabaab, Marxuum Aadan Xaashi Ceyrow iyo inay lacago ku taageri jireen kooxdas.
Raggaasi ayaa la sheegay inay Kooxda Alshabaab u xawileen lacag ku dhaw $ 9,000 dollar mudadii u dhaxeysay 2007-dii illaa 2008.
Afarta qof ee la maxkamadeynaayo ayaa kala ah:-
1- Mohamed Mohamud, oo 40-Jir ahna imaam Masjid ku yaala San Diego.
2- Basaaly Saeed Moalin oo 36-Jir ahna Taksiile.
3- Ahmed Nasir Taalil Mohamud 37-Jir la shaqeynaayay Xawaaladda Shidaal Express.
4- Issa Doreb, 56-Jir.
Garyaqaanadda Dowladda ayaa maxkamadda usoo bandhigay Cod laga duubay wada sheekeysi dhinaca Telefoonka oo dhex maray Basaaly Saeed Moalin iyo Hoggaamiyihii geeriyooday Aadan Xaashi Cayrow, oo isagu ka mid ahaa Hoggaamiyayaasha sar sare ee kooxdaasi Alshabaab ka hor intan la dilin Bishii May 2008.
Cajalada waxaa kaloo oo laga maqlayay Cayrow oo u sheegay eedeysanahaasi in la joogo waqtigii dhaqaale lagu taageeri lahaa Jihaadka.
Sidoo kale, cajaladda waxa uu Cayrow ku dhiira galiyay Basaaly Saeed Moalin inuu iimaanka Masjidka, Mohamed Mohamud u kaashado sidii loo soo uruurin lahaa lacagaha loogu tala galay Jihaadka Alshabaab.
Xeer beegtida Maxkamadda ayaa sheegay inay xukunka eedeysanayaashaasi ku dhawaaqi doonaan Bisha May 16-keeda ee sannadkani.
Idale News Muqdisho