Magaaladda Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga ayaa waxaa maanta kulan Horudhac ah ku yeeshay Wafdigii Horudhaca u ahaa Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland, iyadoona kulankaasi uu ka maqnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud oo isagu ilaa iyo iminka ku sugan Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia.
Waxaa sidoo kale, ilaa iyo iminka Dalkaasi Turkiga gaarin Tiro Diplomaasiyiin ah oo la socda Madaxweynaha kuwaasoo ilaa iyo iminka aanan gaarin Ankaro.
Kulanka Labada dhinac, ayaa waxaa uu maanta Gogol xaar u ahaa Kulanka weyn ee la filaayo inuu Maalinta Berri ah furmo, wallow Tiro Mas’uuliyiin ah dhanka Xukuumadda Somalia ay weli ka maqan yihiin Madasha uu shirka ka furmayo.
Haddaba Xafiiska guud ee Shabakadda Caalamiga Soomaalidamaanta, ayaa heshay Ergada Labada dhinac uga qeybgali lahayd Shira maalinta berri ka furmi doona Dalkaasi Turkiga.
Liiska Magacyada Ergada labada dhinac ee soo gaaray Xafiiska Guud ee Soomaalidamaanta ayaa waxa uu kala yahay:-
ERGADA XUKUUMADDA SOMALIA:-
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Xassan Sheikh Maxamuud.
2- Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia, Fowsia Yuusuf Haaji Aadan
3- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/Kariim Guuleed.
4- Wasiirka Madaxtooyadda Somalia, Faarax Sh. C/Qaadir.
5- Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil , Xubin Baarlamaan Somalia.
6- Maxamuud Xayir Xubin, Xubin Baarlamaan.
7- Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan.
NB. Liiska Xubnaha Jamhuuriyadda Somalia uga qeybgalayo Wadahadalka Maamulka Somaliland ee Dalka Turkiga oo ay qeyb naga maqan yihiin ayaa waxaa haddii uu eebo idmo gadaal idiinkaga soo gudbin doona Liiska dhinaca Wafdiga Xukuumada oo dhameystiran.
ERGADA MAAMULKA SOMALILAND:-
1- Madaxweynaha Maamulkaas, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
2- Afhayeenka Baarlamaanka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi.
3-Wasiirka Arrimaha dibada, Maxamed Cabdullah Cumar.
4-Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xassan.
5-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamuud Axmed Barre.
6-Wasiirka Cadaaladda, Xusein Axmed Ceydiid.
7-Ku-xigeenka Afhayeenka Aqalka Wakiiladda, Maxamed Faarax.
8-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Feysal Cali Waraabe.
Idale News Muqdisho