
Kulankii wada xaajoodka ahaa ee u dhexeeyay Wafdiga Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa waxa uu ku soo idlaaday Isfahan iyo wada shaqeyn iyadoona laga soo saaray Qodobo.
Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray 7-qodob oo la filaayo in labada dhinac ay hirgaliyaan waxaana u kala saxiixay Qodobadaasi Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Maxamed C/llahi Omar
waxaana ka mid ahaa Qodobadaasi:-
1- Sii wadida wada hadalada Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland u dhexeeya.
2- In la tix-raaco Qodobadii ka soo baxay Wada hadaladii hore ee ka kala dhacay Dubai iyo London.
3- In Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ay sii xoojiyaan wada hadalada iyadoona ay Beesha caalamka ka caawin doonto dhinaca farsamada.
4- In laga wada shaqeeyo Dhinaca Ammaanka iyo Tababarada Labada dhinac.
5- In 90-cisho gudaheeda la qabto kulan labaad uuna ka dhaco Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.
6- In labada dhinac ay joojiyaan Hadaladda kala fogeyn kara Heshiiska Labada dhinac.
7- In Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ay wadaagaan Deeqaha laga helo Caalamka.
Idale News Muqdisho


