Gudoomiyihii Ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow waxaa lagu toogtay gudaha suuqaas asaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.
Axmed Nuure Ow Diini oo ahaa gudoomiyaha suuqa ayaa waxaa lagu waramayaa in ay toogteen kooxo hubaysan oo weerar ku qaadayu xili uu ku sugnaa wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Kooxaha dilka geestay ayaa halkaasi ka baxsaday dilka ka dib iyadoona ilaa iyo iminka aanan la garanaynin kooxahaasi iyo waliba ujeedada ka danbaysa dilkaan intaba.
Ilaa iyo iminka ma hirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya oo ku aadan dilka masuulkaan ahaa gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho
Idale News Muqdisho