Agaasimihii Bariga Afrika ee Taleefishinka Universal iyo saxafi caan ah oo la xiray

0
244

 Muqdisho(INO)— Agaasimihii taleefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga ruugcadaaga ah ee Cawil Daahir Salaad ayaa lagu xirey xarunta nabadsugida magaalada Muqdisho.

Xarriga agaasimaha iyo saxafigan ayaan la ogeyn sababta keentay iyadoo weriyaasha iyo shaqaalaha taleefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal xarunteeda Muqdisho ay sheegeen in looga yeeray xarunta Nabadsugida kadibna ay waayeen xiriirkooda oo taleefanada gacan qaadka ah ay siteen hawada ka maqan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada amniga oo ku saabsan mas’uuliyiinta Universal iyo weliba mas’uuliyiinta sarsare ee taleefishinka Universal.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo sababaha loogu yeeray agaasimaha iyo weriye Cawil Daahir ay tahay dood laga sii daayay taleefishinka oo labo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay ka hadleen aragtiyadooda ku aadan dowlada Soomaaliya.

Labada xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa barnaamijka Doodwadaag waxa ay ka sheegeen hadalo lid ku ah dowlada kuwaasoo ay kamid ahaayeen in aysanba jirin wax dowlad ah dalka Soomaaliya. Labadan xildhibaan ayaa wararku sheegayaan in ay kamid ahaayeen saxiixayaashii Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here