Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Dowladda Federaalka ayaa si kulul uga soo horjeesatay heshiiska Dekeda Berbera, waxaana ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin, iyadoo u digtay shirkadaha maalgashiga ee aan soo marin hey’adaha dastuuriga in sharciga lala tiigsan doono.
Shirkadda DP World ayaa khamiistii la soo dhaafay heshiis saddex geesood oo ku saabsan saami qeybsiga Dekeda Berbera ku kala saxiixday magaalada Dubai, heshiiska saamiga ayaa dhigaya in Somaliland hesho 30%, halka Itoobiya ay heleyso 19%, Shirkadda DP World oo dhiseysa Dekeda Berbera ay heleyso 51%.