Afhayeenkii ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray kal hore xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia Shiikh Maxamed Macalin ayaa shaaca ka qaaday iney diyaar u yihiin wadahadal ay la galayaan madaxda dowlada Somalia.
Shiikh Maxamed Macalin oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa intaa ku daray in ururkooda uu mar hore ka go’ay Al-shabaab ka dib markii ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo siyaasada Somalia iyo xalinta xaaladaha murugsan ee ka jira.
“Xisbul Islaam hadda waa ka gudubtay marxaldii dagaalka, xili dhowna waxaan wadahadalo la galeynaa dowlada cusub ee Somalia sababo lka xiriira anagoo la jaanqaadeyna jawiga siyaasadeed ee dalku galay bilihii ugu dambeeyey” ayuu intaa ku daray Shiikh Maxamed Macalin.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Shiikh Maxamed Macalin waxaa uu intaa ku daray in dowladu ay ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyey horumaro dhinaca amaanka ah, aqoonsi buuxana ka heshay caalamka isagoo hase ahaatee ku dhaliilay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin sida uu sheegay, ciidamada AMISOM ee ay dalka ku heyso, madaxda oo weli madax banaaneyn loogana yeero dalka dibediisa iyo arrimaha dib u heshiisiinta oo weli aan dhameystirneyn.
Xisbul Islaam afhayeenkooda ayaa horey u sheegay iney dib uga baxeen Al-shabaab oo horey ay ugu biireen markii lagu qasbay hase ahaatee Al-shabaab ayaa horey u beenisay wararkaas, iyagoo xusay in weli ay mideysan yihiin wax kala jab ahna uusan jirin.
Idale News Muqdisho