Afhayeenka Barlamaanka oo Madaxweynaha ka codsadey in Ra’iisul Wasaaraha hor yimaado Barlamaanka 48-hrs gudahood

0
264

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/10/MOJawaariVOA.mp3]
Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kullan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyagoo ka dooday dhowr arrimood oo horyaalla barlamanka Soomaaliya.

Kullankaani oo ay maanta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya iyo Guddoonka sare ee barlamanka ayaa waxa Xildhibaanada loogu qeybiyay Dikumintiyo qabyo qoraal ah oo ku xusan Xeerhoosaadyo quseeya barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada maanta isugu timid fadhiga ayaa waxa ay gaarayaan 250, waxaana inta badan Xildhibaanada ay ka doodeen soo daahista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo aan wali la horkeenin barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka mid ah Mudanayaashii maanta xaadir ku ahaa Madasha kullanka ayaa waxa uu sheegay in lala soo daahay R/wasaaraha cusub oo uu dhawaan so magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay inay muhiim tahay in si deg deg ah lagu horkeeno Barlamanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha barlamanka Prof. Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kullanka ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Sooamaliya ay ka codsanayaan in R/wasaaraha cusub labo maalin gudahooda lagu horkeeno guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com