Afhayeenka AMISOM oo sheegay in todobaadka soo socda Kismaayo la geynayo ciidamo ka socda Seirra Leone

0
252

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Taliska Xalane ayaa sheegay in Ciidamo ka socda dalka Seirra Leone oo dhowaan tababar loo soo gaba gabeeyay ay ku soo biiri doonaan howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Col. Cali Aadan ayaa sheegay in todobaadka soo socda Kismaayo la dejin doono Ciidamada ka socda Seirra Leone, isla markaana ay ka mid noqonayaan ciidamada ka socda Kenya ee ka midka ah AMISOM.

Waxaa uu sheegay in ciidamadan todobaadka soo socda ay imaanayaan, isla markaana laga soo daabulayo dalkooda, si ay uga qeyb qaataan howl galka midowga Afrika ee AMISOM.

“Wadanka waxaa imaanaya Seirra Leone, iyagoo ka qeyb galaya howlaha AMISOM, waxayna ka mid noqonayaan Ciidanka Kenya ee jooga qeybta Kismaayo”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in dhowaan ay u gudbi doonaan sidii ay isugu furi lahaayeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo xusay in meelo badan guul laga gaaray, isla markaana howshaas dhameystirkeeda haatan lagu guda jiro.

Ciidamada AMISOM ayaa tan iyo bartamihii sanadkii hore isku ballaarinayay gobolada dalka, kadib markii wax laga bedelay Mandate-kooda, waxaana haatan ciidamadooda ku sugan yihiin Gobolada Hiiraan, Labada Shabelle, Bay iyo Jubada Hoose.

Idale News Muqdisho