Afhayeenka Amisom Col Cali Adan oo sheegey in magalada Kismaayo la geyn doono police ka tirsan Amisom

0
196

Afhayenka AMISOM Col, Cali Aadan Xumud iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in ciidamo Police AMISOM ka socda la geeyo Magaalada Kismaayo si ay ula wareegaan amaanka Magaladasi.

Afhayeenka AMISOM Col, Cali Aadan Xumud iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegey in ciidamo Police AMISOM ka socda la geeyo Magaalada Kismaayo si ay ula wareegaan amaanka Magaladasi.

Mas’uuliyiinta ayaa isku afgartay in ciidamo Police ah oo AMISOM ka socda oo loo yaqaano (Formed Police Unit) ay ka howlgalayaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

qorshahani la doonayo in ciidamo Police lagu geeyo Kismaayo waxa uu ka socda qabanqaabadiisa Magaalada Muqdisho sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Urur Goboleedka IGAD.

Ciidamada Poliiska ah ee lagu wado in la geeyo Kismaayo,ayaa waxa la sheegay in si gaar ah ay kaga howlgali doonaan Dekada Magaalada Kismaayo iyo saldhiga,iyagoona ka dib markii la dhameystiro ku faafin doona guud ahaan Magaalada Kismaayo.