Afhayeenka Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Konfureed Sh Maxamed Daa,uud Codweyne ayaa waxa u manta ka warbixiyay halka u marayo shirka Jubbaland waxana uu Fariin u diray Aqoyahanada iyo Qurbajoogta Gobolka Gedo.
Sh Maxamed Daa,uud Codweyne ayaa waxaa uu uu sheegay in Howlihii Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay meel wanagsan marayaan Wajgi kowaad na uu soo dhamaday Wajigii labadna ay hada ku guda jiraan.
Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in hada ay ku Mashquulsan yihiin kala hufida eragad Shirka ka qayb qadanaysa ayna meel wanagsan u marayso.
Dhanka kale Afhayeen Codweyne ayaa waxaa uu manta Fariin u diray Aqonyahanada iyo Qurbajoogta Gobolka Gedo waxaa una ugu baqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo garaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb qataan Dhismaha Dowlada Goboleedka Jubbaland.
“Qurbajoogta Gobolada Kale ee Jubbaland way soo gaaren Magaalada Kismaayo waxaana marlabad Qurbajoogta Gobolka Gedo ku wargalinaya in ay soo gareen Kismaayo si ay uga qayb qatan dhismaha Jubbaland Islamarkana wax uga qaybsadan Maamulka dhawaan la filayo ayu yiri Afhayeen Codweyne.
Afhayeen Codweyne ayaa ugu danbeyn waxaa uu ku wargaliyay Qurbajoogta Gobolka Gedo ee ku soo wajahan Kismaayo in ay Marin ahaan u Isticmaalan Magaalada Nairobi halkasna ay uga soo gudban Kismaayo.
Casuumadan ka timid Maamulka Ahlusunnada Konfureed ayaa waxaay imanaysa Xili Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ay Magaalada Muqdisho ku xanibtay Aqonyahano ka soo jeeda Gobolka Gedo oo ku wajahnaa Magaaalada Kismaayo.
Idale News Muqdisho