Cali Xaamud, Afhayeenka Ciidamada AMISON ee ka howlgala Somalia ayaa sheegey in Kenya ay ka mid tahay AMISOM balse wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ka qeyb qaadanaya dagaalada Kismaanyo aysan isticmaaleynin diyaarado iyo maraakiib dagaal sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada AMISOM.
“Ciidamada AMISOM, waa ciidamo ifintiri ah ama ciidamo dhulka ku socdo oo dagaalka kala qeyb qaadanaya ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.” Ayuu yiri Cali Xaamud oo saxaafadda la hadlay xilli mudooyinkii dambe ay aad u soo ifbaxayeen warar sheegaya in dagaalka Kismaayo ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado iyo maraakiib dagaal iyo weliba ciidamo shisheeye.
Magaalada Kismaanyo oo ah magaalo istiraatiiji ah ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa dagaalo xoogan oo faraha looga gubtay ay ku dhexmareen Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayadoo dagaaladani ay sababeen barakac aad u xoogan oo dad badan oo rayid ah ay guryahooda ka soo barakaceen kadib markii ay u dulqaadan waayeen duqeynta iyo dagaalada joogta ah ee ka jira Magaalada Kismaanyo iyo guud ahaan deegaano farabadan oo ka tirsan gobalada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Kismaanyo ayaa sheegaya in haatan xarakada Al Shabaab ay gabi ahaanba isaga huleeleen magaalada Kismaanyo isla markaana magaaladu ay iminka tahay mid haawaneysa oo aysan jiri cid gacanta ku heyso.
Idale News Online
Mogadishu-Somalia