Aduun Dhan $70,000 Oo Laga Waayey Qasnadda Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
304

Baydhabo(INO)-Sida Ilo Xog ogaal ah inuu Soo Sheegeen Oo Ka Tirsan Maamulka Cusub Ee Degmada Afgooye Gobolka Shabellaha  Hoose, waxaa Mudo 3 isbuuc ah laga waayey Qasnadda degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose  Aduun Gaaraya 1,600,000,000 Shilling Somali ah oo u dhiganto  $70,000.

sata

Musuq Maasuqaasi ee Aadka u bahsan ayaa la sheegey in Durba Dhabarka laga saarey  inuu ku lug leeyahay Wasiirka Wasaaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ibraahim Aadan Sate.

23th May 2015 ilaa iyo Maalintii la Magacaabey Gudoomiyaha Cusub Ee Qasnada Degmada Afgooye Cumar Farey Muuse (Mahadaay)  waxaa soo gashey lacag Dhan 600.000.000 oo shiling Somali ah 14th June  ilaa iyo 22 bishan  waxa la sheegey in Degmada Afgooye qasnadeeda kusoo xarootey lacag Dhan 1 Billion oo shiling Somali ah, Taasoo marka labada lacag la isku wada Daro ay noqoneyso 1.6 Billion Oo shiling somali taasoo u dhiganta $69,565.217.

Sidoo kale Waxa La Sheegey In Maamulka cusub ee Degmada intii uusan la wareegin waxaa qasnada Degmada Afgooye ku jirtey lacag dhan 600.000.000 oo shiling somali ah una dhiganta $26,086.

Dhaqallahan Tiradda badan ayaa  waxa Laga  Heley Canshuurta Guud ee Laga Qaado Gudaha Degmada Afgooye  Ee Gobolka Shabellaha Hoose isla markaana isku daba rido Dowladda Hoose Ee Degmadaasi, taasoo badelkeedu la rabey in wax weyn dad la isaga jeedo laga Qabto Sida Biyaha, dhismaha wadooyinka degmada oo Burbursan, arimaha Bini’aadanimada, Waxbarashadda iyo Caafimaadka.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha  Mudane C/qani C/laahi Axmed Yuusuf aya waxa uu Culeys Wey kaga imaanaya Gudoomiyaha Cusub Ee Qasnajiga Degmada Afgooye.

Si kastaba ha ahatee,  Somalia ayaa kaalinta koowaad ka gashay Dowladaha caalamka ee lagu sifeeyay qaadashada Maamul-xumidda iyo Musuqa-maasuqa dhaqaalle isla markaana oo ay kuw heliyaan Maamul Goboleedyadda Dalka ka jira.

Ugu dambeyntii, dhawaan ayey ahaydd  ka dib markii, Verisk Maplecroft oo ah Hay’ad ku shaqeysa Hanaanka dabagalka Dowladaha Caalamka ee ku shaqeeya isdaba-marinta, ayaa sheegtay in Somalia ay marba marka xigta kasii liidaneyso heerka ay ka gaarsiisan tahay Musuqa.

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here