Meydka ALLEHA unaxriistee wasiiru dowlihii wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ayaa maanta laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho ayaa loo sameeyay aas Qaran.
Markii laga soo dajiyay Meydka Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhadle ayaa waxaa salaadii jinaasada lagula dukada Magooronka Aadan Cadde ayadoona lagu aasay Qabuuraha isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Aaska Qaran ee maanta loo sameeyay ALLAHA u naxariiste wasiiru dowlihii wasaaradda hormarinta adeegga bulshada ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahayeen wasiirka hormurinta adeegga bulshada, wasiirka Kheyraadka, wasiir ku xigeenno guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka, xildhibaano iyo ehellada Marxuumka.
Wasiirka hormurinta adeegga bulshada Maryan Khaasim Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelada uu ku gaariyooday uga tacsiyeeysay waxa ayna ALLE uga barisay in uu janadii fardowso ka waraabiyo Eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay geerida Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda adeegga bulshada.
ALLAHA u naxariiste Maxamuud Ismaaciil Barkhadle wasiiru dowlihii wasaaradda adeegga bulshada kana mid ahaa mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Mombasa kadib markii uu istaagay wadnaha.
Idale News Mogadishu