Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo, ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysay ay dhaawac u geesteen Guddoomiyaha xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baydhabo Mr.Khaliif Ibraahim.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu dhaawaca ka soo gaaray bam gacmeed Habeenimadii xalay lagu weeraray Hooyga uu ka degan yahay magaalada Baydhabo, weerarkaasi oo ay geysteen Kooxo hubeysnaa oo weerarka kadib goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacan tahay gabar ku sugneyd guriga Guddoomiyaha oo iyaduna uu weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac fudud.
Weerarka kadib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Taliyaha ciidamada madaniga ee Magaalada Baydhabo, Isaaq Cabdi Aadan, oo sheegay in Weerarka ay geysteen Kooxo hubeysnaa oo doonaayay inay wax qaarijiyaan balse ay ku fashilmeen isla markaana Bam ku tureen Hooyga Guddoomiyaha.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in iminka ay Ciiddamadda Ammaanka gacanta kusoo dhigeen mid ka mid ah Dhalintii weerarka ku qaaday Hooyga Guddoomiyaha waxa uuna sheegay in lasoo taagaayo Maxkamad kadibna mudankiisa la marsiin doono.
Si kastaba ha ahaatee, Maggaalladda Baydhaba ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal kala duwan oo loo geysanaaya Ciiddamadad iyo Odayaasha iyo weliba Guddoomiyayaasha Degmooyinka kuwaasoo inta badan soo laab-laabta haddana majiraan cid wax kaqabata dilalkaasi.
Idale News Baydhabo