Al Shabaab ayaa waxay xalay dagaalo gaadmo lahaa ay ku soo qaaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, oo lagala wareegay muddo sagaal bilood kahor.
Ciidamada Al Shabaab oo weerarada ka soo qaaday dhinaca wadada ka timaada Degmada Afmadow, ee soo gasha Magaalada Kismaayo, ayaa waxay xalay doonayaan inay gudaha u soo galaan Xaafada Via Afmadow.
Balse Ciidamada Huwanta ee halkaasi fariisimaha ku leh ayaa waxay iska caabin xoog leh ay ugala hortaggeen Ciidamadii Al Shabaab, ee weerada ku soo qaaday Via Afmadow.
Qorshaha Al Shabaab ayaa wuxuu ahaa inay gudaha u galaan Via Afmadow, balse taasi ayaa waxaa kahor joogsaday Ciidamada Huwanta ee fariisimaha ku leh.
Col. Cabdi Faarax oo kamid ah Saraakiisha Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay inay khasaaro kala duwan u geysteen Xoogagii Shabaab, ee weerarada ku soo ekeeyay Xaafada Via Afmadow.
Al Shabaab ayaan wax faa’iido leh ka helin dagaaladii ay xalay ka geysteen Magaalada Kismaayo, marka laga reebo in looga dilay Ciidan badan, loogana dhaawacay kuwo kale.
Idale News Muqdisho