Hilowle Aadan oo ka mid ahaa xildhibaanadii dowladii kmg aheyd ee Soomaaliya haddase ah mid ka mid ah qabanqaabiyaasha shirka ka socda magaalada Kismaayo oo uu ka socdo shirweyne lagu dhisaayo maamulka Jubbaland State ayaa sheegey in khilaaf ba’ani uu ka taagan yahay ergada Gobolka Gedo ee soo dooraneysa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Hilowle ayaa sheegey in ergada ka socota gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe la soo gudbisey haddana loo diyaarinaay kaararkii aqoonsiga iyadoo beelaha labadaas gobol ay ku heshiiyeen saamiga ay beel walba ku leedahay ergada dooran doonta madaxweynaha Jubbaland.
Faahfaahinta warkaan iyo khilaafka Ergada Beelaha wada dega gobolka Gedo ka dhageyso halkaan hoose
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/05/Qeybsigii-ergada-Gedo.mp3]Idale News Kismaayo