QORAAL ARGAGAX LEH:- Qaxooti Somali oo lagu kacay addoonsi iyo kufsi oo la soo badbaadiyay

0
205

ttttyttuuuu

Ciiddamadda Ammaanka ee dalka Yeman ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen Kumanaan Qaxooti Soomaali iyo Ethiopian ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah loogu shaqeysan jirey, isla markaana lala galmoon jirey.

Kooxaha dadka Tahriibiya ayaa lagu eedeeyey inay Qaxootigaasi u gacan-geliyeen Kooxo kale oo si khasab ah Qaxootiga ugu shaqeysiin jirey Beero ku yaalla Gobalka Haradh ee ku yaalla Waqooyiga Yeman.

Ciiddamadda Ammaanka ayaa sheegay inay soo furteen 1,670 Qaxooti tan iyo bishii April 7-dii ee sannadkan, kuwaasi oo si khasab ah uga shaqeyn jirey dhul-beereedyo ku yaalla Gobalka Haradh.

Warbixin ay Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn (Medecins San Frontieres  “MSF” soo saareen laguna soo daabacay cadadkii shalay  ee Shabakadda Wararka ee Alsahwah.net ayaa lagu xusay in qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida la haystay muddo dhowr bilood, isla markaana loo geystay jirdil, kufsi wadareed, iyadoo qaar ka mid ah ciddiyaha laga siibay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay Hay’adda MSF daaweysay inta badan Dhibanayaasha Qaxootiga, kuwaasi oo qaarkood noqday qof Waashay.

Inta badan Qaxootigaasi waxaa la dhigay Isbitaalka MSF ku leedahay magaalladda Al-masraq ee ku dhow magaalladda Haradh.

Qaxootiga addoonsiga iyo kufsiga lagula kacay ee la daaweynayo ayaa waxaa ku jiray 62-carruur iyo 142-haween oo kala bar aad u il-daran.

Xigasho:- MSF

Idale News Muqdisho