Roobab Saacado Badan Da’ayay oo Hakad Geliyay Isu Socodkii Dadka iyo Gaadiidka Magaalada kismaayo

0
205

Kismaayo-1_12

Wararka naga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka da’een Roobab soconayay muddo Shan iyo Toban Saacadood.

Roobabkan ayaa waxa ay ka da’een gudaha magaalada Kismaayo iyo Daafaheeda kuwaasoo waqti dheer soconayay..

Qaar ka mid ah dadka bara kacayaasha ah eek u sugan Xeryaha ku yaala magaalada kismaayo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Roobabkii saacadaha badan ka da’ayay magaalada kismaayo in khasaarooyin kala duwan ay ka soo gaareen.

Bara kacayaasha ayaa sheegay in Roobabkaasi daadadkii ka dhashay in badi Guryahoodii Cooshadaha ka samaysnaa ay kala tageen sidoo kalena Raashinadii yaraa ee ay haysteena ay Biyuhu la tageen.

 Bara kacayaashan oo sii hadlaya ayaa ka codsaday maamulka ku meel gaarka Kismaayo iyo Hay’adaha sama falkaba in lala soo gaaro gar gaar deg deg maadaama Roobabkii da;’ay Guryahoodii ka dumiyeen.

Dadkan Bara Kacayaasha ah eek u Nool kaamamka Magaalada ayaa  ku cawday in muddo dheer aysan helin wax gar gaar ah sidaa darteedna ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah oo lala soo gaaro.

Roobabkan ka da’ay Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay hakad ku keeneen isu socodkii dadka, Ganacsiga iyo gaadiidka iyagoo aan gaysan wax khasaare ah oo kale marka laga yimaado Cooshadaha bara kacayaasha oo ay ka dumiyeen.

Idale News Muqdisho